U bood dhigaalka

Axmed Diiriye oo ka digay Colaad dib uga soo Cusboonaata Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye ayaa ka digay Colaad uu dhiig ku daato oo dib uga soo Cusboonaata Gobolka Mudug.

Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Axmeed Diiriye Cali oo ka hadlay Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolkaasi ayaa sheegay in Colaaddu ay tahay Caqabad taas oo wax yeeleyneysa nabad kuwada noolaanshaha  shacabka wada dagan Gobolka Mudug.

Axmeed Diiriye ayaa ku baaqay in laga fiirsado wax weliba oo dagaal keeni kara.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in dadaal dheer ay ugaleen sidii loo heshiisiin lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee wada dagan Gobolada Mudug iyo Galgaduud, oo uu sheegay in horay ay dagaalo uga dhaceen kuwaasi oo qasaaro kala duwan laga dhaxlay.

waxaana uuna dhanka kale ku baaqay inaysan dib u soo laaban dagaaladaasi isaga oo dhinaca kale ku baaqay in la taageero Maamul Goboleedka la qorsheynayo in loo sameeyo Goblada Mudug iyo Galgaduud.