U bood dhigaalka

B/weyne: Khasaare Ka Dhashay Darbi Kusoo Dumay Dad Ku Hoos Ganacsanayey

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa ku dhintey Shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu kusoo dumay darbi dheer oo ku yaalla suuqa xoolaha ee magaalada B/weyne.

Goob jooge ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News, in darbigan xilliga uu dumayey ay dadkaan hoos fadhiyeen, islamarkaana halkaasi ku ganacsanayeen.

Waxa uu sheegay in dadka dhaawaca qaar uu soo gaaray dhaawacyo adag, islaamarkaana loo qaaday Isbitaalka B/weyne.

Maxamed Cismaan Khallaafow, guddoomiyaha B/weyne oo isna gaaray halka dhibtu ay ka dhacday ayaa ganacsatada suuqa xoolaha ee B/weyne ugu baaqay iney ka fogaadaan inta kale ee darbigan ka hartay.

“Hal qof ayaa dhimatay Shan kalena waa ay dhaawacmeen, waxaan leenahay inta dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawacantayna Allaha u booga dhayo, darbiga waxaa iska hargeli jiray dadka xoolaha ku iibinaya halkaan, dadka waxaan uga digeynaa maadaama roobkii uu yimid, darbigana qoyayan yahay iney ka fogaadaan darbigan si aanu mar kale ugu soo dhicin” ayuu yiri guddoomiyaha.

Shacabka qaar ayaa sheegaya in dhisme ahaan darbigan uu aad u jilicsanaa, islamarkaana roobabkii da’ay ay sabab usii noqdeen inuu sii jilco, sidaasina uu ku dumay.

Goobjoog News