U bood dhigaalka

B/weyne Oo Lagu Xiray Waxgarad Dhowaan La Kulmay Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska ee magaalada B/weyne ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah waxgaradkii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka, balse la kulmay dhowaan Al-shabaab.

In ka badan 10 Nabadoon oo caan ka ah magaaladaasi ayaa lagu xirey B/weyne, kadib markii ay kasoo laabteen Al-shabaab oo sheegay in cafis usoo fidiyeen.

Saraakiisha Booliiska B/weyne ayaa sheegay in ay sidoo kale raadinayaan xubno kale oo ka mid ah waxgaradkan, kuwaas oo iyaguna xabsiga la dhigi doono.

Al-shabaab ayaa odoyaashan ku amray iney yimaadaan deegaannada ay ka arrimiyaan si cafis loogu fidiyo, iyadoo qaarkood ay diideen, halka qaar kalena ay tageen.

Waxgaradkii la kulmay Al-shabaab oo qaarkood warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in naftooda u baqeen, maadaama aysan dowladda damaanad qaadin ammaankooda, lana dayacay sida ay sheegeen.

Goobjoog News