U bood dhigaalka

Baaq Loo Diray Beelaha Ku Dagaallamaya Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Galgaduud iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaallamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan iney dagaalka joojiyaan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee Galmudug Maxamed Cali Cilmi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay xilligaan dhiigooda daadiyaan.

“Waa wax fool xun, waa wax aan loo baahneyn in la dagaallamo, waliba bil Ramadan iyadoo lagu guda jiro, dadku waa walaalo mana ahan iney daaqsin iyo wax lamid ah ku dagaallamaan” ayuu yiri guddoomiye Cilmi.

Nabadoon Raage Faarax Kooshin oo kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa isna ugu baaqay beelahan ku dagaallamaya deegaanka Banyaaley in dagaalka joojiyaan oo nabadda qaataan.

“Waan  ka xumahay in dad walaalo ay bil Ramadan dhiigooda daadiyaan, annaga waxaan ku dedaalli doonnaa inaan joojinno dagaalladan, dalku wuxuu ku jiraa abaar, biyo la’aan mana ahan in xilligaan dagaallo dhacaan, waxaan kaloo ugu baaqayaa waxgaradka Labadan beel iney iyaguna ay dedaalaan oo dagaalladan joojiyaan” ayuu yiro Nabadoon Kooshin oo u waramay Goobjoog.

Ku Dhowaad 10 oo dad shacab ah ay ku jiraan ayaa ku dhintay dagaal beeleed dib uga bilowday deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeya beello kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Goobjoog News