U bood dhigaalka

Baaq Loo Diray Burcad Badeedda Haysta 21-shaqaale u Dhashay Dalka Iran

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaanka Ceelhuur ee gobalka Mudug ayaa ugu baaqay burcad badeedda Soomaalida ah ee haysta 21-shaqaale u dhashay dalka Iran, in ay dib u siiyaan xurriyadooda.

Qaar ka mid ah waxgaradkaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay ka xunyihiin in la haysto dad aan waxba galabsan, islamarkaana iska shaqeysanayay.

Waxay tilmaameen in ay aad u jeclaan lahaayeen in dhalinyarada haysata ragaasi ay dib u siiyaan xurriyadooda.

Dhinaca kale waxgaradkaan ayaa sheegay hadii Burcadda aysan dooneyn inay daayaan dadkaasi aysan deegaanka lasii joogin oo ay kala dul tagaan.

Koox burcad badeed ah ayaa dhawaan waxa ay markabkii ay saarnaayeen kala soo dageen 21- shaqaale Iran u dhashay, iyaga oo sidoo kale soo caariyay markabkii ay la socdeen.

Dhinaca kale mid ka mid ah ragga haystay shaqaalahaan oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee dadkaasi u qabsadeen ay tahay, ka dib markii ay kusoo xad gudbeen biyaha Soomaaliya.

Goobjoog News