U bood dhigaalka

Baardheere: Al-shabaab Oo Maxaabiis Sii Deysay Iyo Idaacadoodii Oo Hawada Laga Saaray

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in Xarakada Al-shabaab ay xabsi ku yaalla degmadaasi kasii daayeen Maxaabiis ay halkaasi muddo ku hayeen.

Maxaabiista lasii daayay ayaa tiradooda waxaa naloogu sheegay 19 qof, iyadoo sidoo kale ay gaadiid ku kaxeeyeen maxaabiis kale oo la sheegay in ay dambiyo culus ku eedeeyeen.

Dhanka kale Idaacadii ku hadlaysay Afka Al-shabaab ee Al-andalus ayaa hawada laga saaray, waxaana dad ku sugan degmada Baardheere ay Goobjoog News u xaqiijiyeen in qalabka Idaacadaasi ay halkaasi ka qaateen.

Sidoo kale ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa in Laba jiho ay kaga soo dhawaadeen degmada Bardheere, waxaana hadda qiyaas ahaan ay usoo jirsadeen 30 Kilo Miter.

Xaaladda guud ee degmada Baardheere ayaa kacsan, waxaana socda dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay wadaan ciidamada Al-shabaab, iyadoo xusid ay mudan tahay in degmadaasi ay ka barakaceen qoysas aad u badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News