U bood dhigaalka

Baardheere: Haweenka Uurka Leh Iyo Caruurta Nafaqo Darrida Haysa Oo Daryeel Caafimaad Helay

Sheeko:Dalka

Bukaanno qaba Cuduro iyo Nafaqo darri ayaa waxaa adeeg caafimaad loogu sameeyey Xarun Caafimaad oo Ururka Bisha Cas uu ku leeyahay Isbitaalka degmada Baardheere, waxaana maalmahii ugu dambeeyey soo gaarayey Boqlaal ruux oo u badan haweenka uurka leh iyo Caruur la liidata nafaqo darida , kuwaasi oo ka kala imaanayey gudaha magaalada iyo Tuullooyinka hoos yimaada degmada Baardheere.

Xarumaha Bukaanada loogu sameynayo adeegyada Daaweynta iyo nafaqeynta oo ah labo xarumood oo ku yaala gudaha Isbitaalka ayaa howlwadeenada Caafimaadka ee Bisha Cas waxay inoo sheegeen Todobaadkii ugu dambeeyey oo keliya ilaa 240 caruur ah in ay u diiwaan geliyeen Nafaqo darida, waxaana ay sheegeen Caruurtaasi in ay u qabteen daaweyn iyo raashin soo celiya nafaqada.

Dhakhtar Maxamed Xuseen oo ah maamulaha qeybta nafaqo darrida Bisha Cas ee Degmada Baardheere ayaa Goobjoog News u sheegay in maalmihii ugu dambeeyey in ay si kordheen tirada haweenka iyo caruurta la liita nafaqo darida , isagoo sheegay in maalintii ay daweeyaan caruur iyo haween tiradoodu ay gaareyso ilaa 70 ruux.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay mudo ka badan ilaa 7 sano oo adegyo caafimaad noocani oo kale ah loo sameeyo bukaanno qaba cuduro iyo nafaqi daro.

Goobjoog News