U bood dhigaalka

Baardheere: Saraakiisha Ammaanka Oo Ka Hadlay Qaabkii Ay Kaga Hortageen Qaraxii Shalay Ka Dhacay Degmadaasi

Sheeko:Amniga

Saraakiisha ciidamada ammaanka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa faah faahin dheeraad ah waxay ka bixiyeen qaabkii ay kaga hortageen qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo shalay ka dhacay duleedka degmadaasi.

Daad Cismaan Axmed, taliyaha ammaanka degmadaasi oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ay hayeen xogta gaarigaasi, islamarkaana ay kaga hortagee magaalada banaankeeda ah.

Taliyaha ayaa tilmaamay in gaarigan lala damacsanaa in lagu qarxiyo gudaha degmada Baardheere, hase ahaatee ay kaga hortageen magaalada Banaankeeda.

“Waan ka hortagnay qaraxaasi oo magaalada lala soo damacsanaa, ciidamadeenna habeenkii ayeeyba duurka kusii hoydeen si ay gaarigaasi kaga hortagaan, raggii watey kadib wey is qarxiyeen” ayuu yiri taliyaha.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintey Afar qof oo Labo ka mid ah yihiin ciidamada Itoobiya.

Goobjoog News