U bood dhigaalka

Baardheere: Xaasaska Al-shabaab Oo Laga Joojiyey Musaafurinta

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baardheere ayaa ka laabtey go’aan ay dhowaan kasoo saareen xaasaska ay qabaan ragga ka tirsan Al-shabaab ee ku nool degmadaasi.

Kulan ay degmada Baardheere ku yeesheen maamulka degmadaasi iyo waxgaradka ayaa dib looga laabtey in  Xaasaska Al-shabaab laga musaafuriyo degmada Baardheere.

Waxgaradka degmada Baardheere ayaa kasoo horjeestay in xaasaska Al-shabaab laga musaafuriyo degmadaasi, waxayna sheegeen in taasi ay noqoneyso in la kala saarayo dadka ku nool degmadaasi.

Dood dheer kadib maamulka ayaa shaaca ka qaadey in ay go’aankaasi ay dib uga laabteen, kadib wada tashi ay la sameeyeen waxgaradkan.

Talaabadan waxaa soo dhoweeyey dadweynaha ku dhaqan Baardheere oo amarka maamulka kasoo baxay u arkayey mid bini’aadannimada ka baxsan, maadama haweenka iyo carruurta ay yahiin kuwo aad u nugul.

Labo Todobaad kahor ayaa maamulka degmada Baardheere ammar uu soo saarey wuxuu shaaca ka qaadey in aan degmadaasi lagu arki karin dhammaan xaasaska Al-shabaab, una qabtay iney Todobaad gudahiisa uga baxaan magaaladaasi.

Goobjoog News