U bood dhigaalka

Baaritaan:- Xirfadlaawayaal Isku Bedalay Dhaqaatiir, Qorana Dawooyin Qaldan!

Sheeko:Dalka

Baaritaan ay GoobjoogFM ku samaysay 10- Pharmacy oo ku kala yaalla 9 Degmo oo Gobolka Banaadir ka tirsan waxa ay ku ogaatay jiritaanka in baaritaanno aan lahayn isku halayn caafimaad iyo daawooyin ay qoraan xirfadlayaal aan aqoon u laheyn cilmiga caafimaadka.

Degmooyinkaasi ayaa kala ahaa , Xamarwayne , Xamarjajab, Wadajir , Waabari , Boondheere , Dharkenlay , Kaaraan, Warta Nabadda, iyo Howlwadaag.

Wariyayaasha Goobjoog ee baaritaankaasi sameeyay ayaa la kulmay dad kala duwan oo waxyeelo ay ka soo gaartay dawo si qaldan loogu qoray , kuwo baaritaan lagu sameeyay oo cudur aysan qabin lagu sheegay iyo dumar iyagoo uur leh lagu yiri waxaad qabtaan cudur dawooyin qaldana la siiyay.

Ruqiyo Maxamed Jimcaale waa hooyo dhashay 5 carruur ah , waxa ay dhibane u noqotay markii ay caloosha ku qaaday cunugeeda ugu yar markaas oo inta ay baaritaan caafimad u taktay mid ka mid ah Rugaha caafimaad ee ku yaalla Degmada Xamarwayne ay u sheegeen  inay qabto caabuqa kaadi mareenka  (INFECTION)

Ruqiyo Maxamed – “ Waxaan la kulmay xaalad halis ah , anigu waxaan dareensanaa in aan uur leeyahay laakiin si aan u shaki baxo baan baaris caafimad u sameeyay laakiin dhaqaatiirtu waxa ay igu wargeliyeen in aan qabo caabuqa ku dhaca kaadi mareenka.

Dawooyinkii ay ii soo qoreen ayaan isticmaalay , markii laga joogay waqti yar xanuun baa I qabtay illaa xaaladaydu ay ka gaartay meel qatar ah , laguma kalsoonan karo dawooyinka ay bixiyaan xarumaha yaryar ee caafimaadka , waa xaalad halis ah “

GoobjoogFM waxa ay si toos ah u samaysay xog baaristaas iyadoo adeegsanaysa matalayaal kuwaas oo laga baaray cudurro aysan qabin sida , Duumo ,  Gaas , Caabuqa Kaadi mareenka, Bahal ama Gooryaan .

4 – Pharmacy ayaa isku raacay  in qof ka tirsan xog baarayaashu uu qabo Caabuqa Kaadi mareenka “Infection  “ iyagoo baaritaan ku sameeyay wax loo ekeesiiyay kaadi.

Afartaasi xarun ayaa ka sinnaa  hal kaniini magaciisu yahay Amogshiliin  kaas oo ahaa qalajiye nuuciisu uu yahay 500 Milligram, balse kama aysan sinneeyn dawooyinka qaar ee ay soo qoreen .

3 – Pharmacy ayaa iyaguna sheegay in kaaliyaasha baaritaanka lagu sameeyay ay qabaan Gaas , labadda kalana ay sheegeen in Duumo uu qabo qof naga mid ah laakiin cudur kale uusan qabin  .

dadka baaritaannada ay ku sameeyaan  iyo kuwa ka iibsada dawooyinkuba  waxaa looga gadaa dawooyinka in lagu socodsiiyo inta daawo ee taalla rugta caafimaadka iyadoo uu  jiro heshiis saaxiibtinimo oo mararka qaar ka dhaxeeya kuwa wax baara iyo  Pharmacy-yadu  haddii  farmashigu uusan ka koobnayn baaritaan iyo daawo iibin .

Maxamuud Cabdi Maxamed  oo ah nin dhallinyaro ah , wuxuu u  sheegay GoobjoogFM in lug iyo Gacan ka cuuryaamay markii si qaldan loogu muday cirbad isagoo ka cabanayay bahal ama gooryaan .

Maxamed Cabdi –“  Si aad ah baa la iiga haayay  bogga oo anigu waxaan isku ogaa in aan qabo gooryaan  marka maalin ka mid ah maalmaha waxaan tagay mid ka mid ah Farmashiyayaasha ku yaalla Isgooyska Zoobe , runtii markaan u sheegay dhibka aan qabay waxa uu ii sheegay in xalkeeda la haayo wuxuuna igu duray cirbad isagoo aan wax baaritaan ah igu samayn

Waan baxay , markii aan gaaray suuqa bakaaraha oo aan markaasi howl u tagay  xumad daran baa I soo saartay run ahaantiina waan wareeray oo waan matagay, kadibna waxaa ii xigtay in lug iyo gacan ayba I itaal dhigaan , anigoo matagaya lug iyo gacanna dhigeen ayaa layga soo qaaday suuqa bakaaraha , reerkayga oo dhirifsan baa u tagay Farmashiyahii la iga duray wuxuuna u sheegay inuu i duray cirbad , uu ku sheegay inay ahayd qalajiso nuuc xoogan.

Wariyaha GoobjoogFM Munasar Maxamed Cabdi ayaa la kulmay  dad goobjoog u ahaa dhacdooyin daran oo rugahaasi caafimaad ay u gaysteen dad shacab ah .

Waxa ay sheegeen dadkii u joogay taariikhda la xiriirta halista  xirfadlayda qaar ee Farmashiiyada ka raadsada nolol maalmeedka inay arkeen hadda ka hor nin laga duray xididka , iyadoo cirbaddu ay ahayd nuuc loogu talagalay sinta dabeedna uusan naf dhulka  la dhicin , kuwo kale waxa ay sheegeen inay arkeen dumar uur leh oo la siiyay dawooyin qaldan ilmahuna ay ka soo dhaceen .

Maslax Axmed Cali xaaskiisa ayaa halis u gashay dawo qaldan oo la siiyay waxa uuna sheegay in xaaladeedu ay noqotay mid qatar ku sugan markii iyadoo uur leh la siiyay dawooyinka Cudurka Duumadda.

Maslax Axmed –“  Wax xirfad ah oo ay leeyihiin ma jirto , waa koox yar oo furatay xarun  caafimaad waxaana sidii ay doonaan ka yeelanayaan nolosha  boqolaal dad ah oo dawo iyo adeeg caafimaad u raadsanaya , waxaan aaminsanahay dadkaas oo aan dalka laga qaban in halis badan ay u sugnaatay shacabkeena qabar mooga ah .

Dr Dufle oo ah dhaqtar rug caddaa ah ,  u sharaxan abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel peace prize sidoo kalana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay isagoo ka hadlayay xus loo sameeyay maalinta caafimaadka adduunka inay jirto qatar badan oo xirfad xumo ah taas oo ka imaanaysa sida uu yiri ragga ku shaqaysta Farmashiyayaasha.

Dr Dufle -“  Iyadoo dalka aan laga qaban Farmashilayaashu xaaladdu ma sahlanaanayso , waa wax u baahan in dadaal adag lagu bixiyo arrintaasi inta aan dadkeenu halis  caafimaad u ehel noqonin “

 

Si aan u ogaano aragtida ay ka qabaan waxa lagu eedaynayo dadkan ay u furan yihiin Farmashiyadu waxaan isku daynay in aan fursad hadal siino xubnahaasi qaar .

Waxaan la hadalnay  Maxamed Abshir oo maamule ka ah mid ka mid ah rugahaasi caafimaad.

Waxaan su’aalnay waxa ay uga  jawaabayaan eedaynta loo jeediyay ee ah inay dadka ka gadaan dawooyin aanu dhaqtar soo qorin iyo inay  iyaga qudhoodu dadku ka sheegaan cudurro aanay qabin waxa uuna yiri .

Maxamed Abshir -“ Taasi waa wax ay ku hadaaqaan dad iska jecel dacaayad , sida la inagu sheegayo ma nihin dawooyinka waxaan ku bixinnaa iyadoo qofka uu warqad ka wato dhaqtar

Anagu waxan dadka ka iibinaa  madax xanuun iyo iwm ah ee sahlan laakiin dawooyinka qatar waa ay ka imaan kartaa aan isleenahay runtii  ma bixinno warqad la’aan, eedaynta nuucaas ahna waa wax kama jiraan haddii ay jirtana ma badna .

Qatartan taagan waxaa  ka daran qatarta kale ee daahsoon taas oo ah dawooyinka dhacay ee la soo gelinayo dalka .

Ma jirto dadaal muuqda oo wasaaradda caafimaadka iyo Dowaladda Federaalkuba ay ku bixinayaan arrintan sidii looga hortagi lahaa , iskaba daa in la xirfad hagaajiyo dhallinyaradan nolol maalmeedka ka raadinaya xirfadda caafimaadka .

Abdulqaadir Amiin oo ah qabiir caafimaad ayaa rumaysan in dawooyinka dhacay oo dalka la soo geliyo iyo xirfadlayda da’da yar ee farmashiyadu u furan yihiin oo aan helin tababar wanaagsan ay sawir xun ka bixinayso sumcadda Soomaaliya .

Waxa uu tilmaamay inay tahay haddii la doonayo guud ahaan in xal laga gaaro dhibaatadan taagan in marka hore loo soo banbaxo sidii si wadajir ah wacyigelin looga sameyn lahaa arrintan iyadoo la adeegsanayo warbaahinta .

Waxa uu ugu baaqay dowladda federaalku in dhacdada la xiriirta caafimaadka inay tahay mid halisteeda leh xoog badanna ay ku bixiso sidii ay u adkayn lahayd doorkeeda ku aaddan ka hortagga dawooyinka dhaca iyo kor u qaadista xirfadlayda caafimaadka si looga baaqsado qatar ka dhalata xirfad xumo caafimaad.

Si kastaba haddii si wanaagsan loo tababaro dhallinyarada milkiyad leh farmashiyayaasha ay wax badan oo la xiriira caafimaadka ay hagaagayaan oo xal wanaagsan laga gaari doono dhibaatooyinkaasi daahsoon ee ku dhacaya dadkeena .

W/D: Munasar Maxamed Cabdi

Goobjoog News