Baarlamaanka 10aad Oo Ku Baaqey In La Dhiso Guddiga La Dagaalanka Musuqa Iyo In Xubno Lagu Daro Guddiga Doorashada Madaxweynaha

Baarlamaanka 10aad waxaa uu xarunta golaha shacabka ku yeeshey kulanka 3aad ee wada jirka labada aqal ee BFS.

Ajendaha waxaa uu ahaa: dhaarin xildhibaanno, hadaljeedinta guddoomiyeyaasha KMG ahaa ee labada aqal, hadaljeedinta guddiyadii doorashada labada aqal, hadal jeedinta guddoomiyeyaasha golaha shacabka iyo aqalka sare iyo weliba dhismaha guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha JFS.

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ayaa kulankoodii maanta ku codsadey in dhammaan murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya loo qabto debate ama dood ay weriyeyaasha iyo dadka Soomaaliyeed ku weydiinayaan su’aalo toos ah oo murashaxnimadooda ku saabsan.

Xildhibaannada waxaa ay arrintaasi sabab uga dhigeen in looga fogaanayo iney murashaxiinta barnaamiyada kala Koobiyeeyaan, iyagoo intaa raaciyay in lagu ogaanayo qofka umadda waxtarka u leh.

Xildhibaannada labada aqal ayaa wal-wal ka muujiyay musuq ay sheegeen in uu ka dhici karo doorashada madaxweynaha, waxaa ay soo jeediyeen in la dhiso guddiga la dagaalanka musuqa, weliba ka hor inta aan la dhisin guddiga doorashada madaxweynaha.

Dhinaca kale, Xildhibaannada labada aqal ee federaalka Soomaaliya waxaa ay  ka hadleen in xubno lagu daro guddiga doorashada madaxweyaha gaar ahaan xubnaha matalaya aqalka sare oo hadda 5 xubnood ah.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW