U bood dhigaalka

Baarlamaanka: Ajandihii Shalay Fashilmay Oo Markale La’isugu Yeeray Xildhibaanada

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa markale Isugu yeeray xildhibaanada Golaha Shacabka kadib markii uu Fashilmay Kulankii Shalay .

 

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loo diray fariin ah in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka berri oo Isniin ah , iyadoo kulanka looga hadlayo Ajendahii Shalay Fashilmay ee Covid-19.

Subaxnimada Isniinta 9:00 ayaa la balamiyay xildhibaanada, Fariinta loo diray ayaana ah sidan :

M.ne Xil Beri oo Isniin ah oo ay Tar 29 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha
1. Caabuqa COVID19
2. u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga M/Banaan ee Xuduudaha
Saacadu waa 09:00 subaxnimo.
Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaar kood diiden Ajendaha Kulanka oo ahaa ka hadalka Covid-19 .
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xalay 15 Xidhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Shaqada ka joojiyay, isagoo sheegay in xildhibaanadiisa ay ka dambeeyen in uu shalay baaqdo Kulankii Baarlamaanka