U bood dhigaalka

Baarlamaanka Carabta oo Dalalka Dariska La Ah Soomaaliya uga Digay Faragelinta Doorashada

Sheeko:Amniga

Bayaan sabtidii kasoo baxay baarlamaanka carabta ayaa looga digay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa gobolkaba iney farageliyaan doorashada.

Qoraalka oo lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka baarlamaanka carabta ee Qaahira ayaa lagu yiri” Diidmada dhammaan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah iyo qaar gobolka ah isku dayayaa iney carqaladeeyaan hawlaha doorashada la iskugu afgartay qaab dastuuri ah”.

Baarlamaanka carabta waxaa intaasi ku daray in ku dadaalayo inuu taageero amniga, midnimada, qarannimada iyo bedqabka dhul ee Soomaaliya iyo taageerada dalalka Carabta iyo beesha caalamka ee horumarinta iyo degenaashiyaha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa ay baarlamaanka Carabta cambaareeyeen weerarkii ka dhacay caasimadda Muqdisho 27-kii November iyo dhammaan weerarrada dhacat bilaha November iyo December 2020 kuwaas oo dad badan ku dhinteen iyaga oo ku celiyey iney garabtaagan yihiin Muqdisho dagaalkeeda ka dhanka ah argigixisada.

Goobjoog News