U bood dhigaalka

Baarlamaanka Carabta oo ka Hadlay arrimaha Badda iyo Doorashooyinka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan guddiga arriamaha dibadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goobjoog uga warramay isagoo jooga magaalada Qaahira, shir ay isku arkeen baarlamaanada Carabta iyo kan Afrika oo ka dhacay dalka Masar oo lagu soo hadal qaaday arrimaha badda iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkana ayaa waxaa isku arkay baarlamaanka Carabta, baarlamaanka Afrika iyo baarlamaanka Masar oo u dabaaldagayay sanadguuradiisii 150aad halkaas oo baarlamaanadaasi isku dhaafsadeen fikrado u wada adeegaya dhamaan danaha dowladaha iyo Ururada ay matalayeen ee ku midoobay.

Qodobada guud ahaan kulankan looga warramay ayaa waxaa ka mid ahaa iskaashiga guud ee dowladaha Afrika iyo Jaamacadda Carabta arrimaha la xiriira siyaasadda amniga, dhaqaalaha, Bulshada, Waxbarashada iyo guud ahaan hurumarka.

Shirkan uu xildhibaan Dalxa ka qeybgalay ayaa waxaa ku weheliyay xildhibaan Axmed Cusmaan Aadan oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka federaalka iyo waliba xubin ka tirsan baarlamaanka Carabta ah.

Qodobadii faraha badnaa ee kulamadan xiriirka ah looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Soomaaliya oo la soo hadala qaaday iyadoo la tilamamay in badda Soomaaliya in lagu xadgudbo aaney habbooneyn Jaamacadda Carabtuna ay digniin ka bixineysay ku xadgudubka badda Soomaaliya;

“Qodobada laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya Baddeeda had iyo jeer ay ka taagan tahay mushkiladdo, boobka lagu hayo kheyraadkeeda ama hunguriga ka galey dowladaha qaarkood isla markaana loo baahan yahay in Soomaaliya loo arko iney tahay dal Carbeed, waxa Soomaaliya khuseeyana ay wada khuseyso dhamaan dunida Carabta, hadday noqoto wax ku xadgudbaya nabadgalyadeeda ama siyaasadeeda ama dhaqaaleheeda, ayna ahayd digniin ay bixinayeen dunida Carabta oo baarlamaanku afkooda uu ku hadlayay in Soomaaliya la ilaaliyo baddeeda kuwa sharci darada ku boobaya kheyraadkeeda iyo kuwa sumeynaya, caalamkuna indha adag uu arrinkaa ku eego”, ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Waxaa kale oo la isla soo hadal qaaday in Soomaaliya laga garab siiyo kooxaha nabadiidka ah ee ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida, kuwaas oo khatar ku ah jiritaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Dhanka ka kale ayaa waxaa kulamadan lagu soo hadal qaaday doorashada Soomaaliya oo la yiri waa iney u dhacaan si xaq ah oo xalaal ah;” Iney noqoto doorashadu mid si xalaal ah ku dhacda oo ka dhan ay noqoto musuqmaasuq, ku shubasho, Eex, Laaluush, Cadaalad darro iyo wax kasta oo doorashadaas wax u dhimi kara, iyadoo Soomaaliya loo rajeeyay iney ku gaarto(doorashada) nabad iyo hurumar” ayuu xusay xildhibaan Dalxa.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dabayaaqada sanadkan 2016, iyadoo ay jirto waxyaabo caqabad ku ah in doorashadu ay ku dhacdo xilligii loo qorsheeyay, sida; dib u dhaca soo gudbinta ergada doorasho oo qeyb ka ah fashil joogta ah oo ku imaanayey hirgelinta jadwalka doorashada ee 2016-ka.

Goobjoog News