U bood dhigaalka

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Ugu Horeeyey Oo Furmey iyo Guddoomiyihii Oo La Doortey (Sawirro)

Sheeko:Dalka

IMG_4340Waxaa maanta markii ugu horeysey taariikhda qabsoomey kalfadhigii koowaad ee baarlamaan ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed kaasi oo ka kooban 275 xildhibaan oo 84 ka mid ahi ay yihiin gabdho taas oo looga gol lahaa in gabdhuhu ay ugu yaraan 30% ka ahaadaan Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed si loo dhiirageliyo kaalinta Gabdhaha Soomaaliyeed ee siyaasada iyo horumarka Dalka.

Kulanka baarlamaanka Dhallinyarada oo intii muddo ah qabanqaabadiisa lagu soo jirey ayaa maanta kama dambeys ku qabsoomey Hotel Gorgor ee agagaarka daarta Soobe ee Km5, Muqdisho, waxaana madasha soo xaadirtey illaa 246 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka xildhibaan ee uu baarlamaankani ka koobanyahay. waxaana halkaasi ka dhacday doorasho si weyn loogu tartamay gudoomiyenimada iyo ku xigeenadiisa.

Waxaa kulanka furay Xamdi Xaaji Cali oo ahayd xildhibaankii ugu da’da yareyd ee baarlamaanka, islamarkaasina horey loogu doortey guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ajandaha shirka waxa uu ahaa doorashada guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, taas oo markiiba la gudo galay. Waxaa doorashada guddoomiyaha isu soo taagay Yoonis Cabdiraxmaan Axmed, Maxamed Axmed Xaaji iyo Mahdi Abshir Cumar. Wareeggii koowaad ee doorashada xildhibaanada waxa ay codkooda ku dhiibanayeen waraaqaha codbixinta, kuwaasi oo lagu ridayay sanduuq dhalo ka sameysan oo la arkayay warqadda lagu ridey.

Markii gudigii doorashada oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano hore iyo marti sharaf ayaa waxaa lagu dhawaaqay natiijada, waxayna noqotey Mahdi Abshir Cumar oo heley 105 cod, Yoonis Cabdiraxmaan Axmed oo heley 99 cod iyo Maxamed Axmed Xaaji oo heley 37 cod. Maadaamaa musharixiinta midkoodna uusan helin 139 cod ee laga rabay ee ay guusha ku raaci lahayd wareegga koowaad, waxaa lagu qasbanaaday in wareegga labaad loo gudbo, waxaana isku soo haray labadii musharax ee ugu cododka badnaa, kuwaasi oo kala ahaa Mahdi Abshir iyo Yoonis Cabdiraxmaan.

Gudiga doorashada ayaa markani go’aan ku gaarey in gacan taag lagu codeeyo, iyada oo xildhibaanada ay saf saf u codeeyeen. Markii ay doorashada dhamaatay , gudigii doorashadana ay isu diyaarinayaan in ay ku dhawaaqaan natiijada ayaa waxaa masraxa soo fuuley Mahdi Abshir Cumar oo ka mid ahaa musharixiinta labada ah, wuxuuna ku dhawaaqay in uu isaga ka tanaasuley musharaxnimadiisa, isaga oo sabab oga dhigey in hooyadiis ay kula talisey in uusan hawshaasi gelin maadaamaa uu yahay wiilka keliya ee ay dhashay.

Waxaa kadib xilkii si rasmi ah ula wareegey oo lagu dhawaaqay in uu guddoomiyaha cusub yahay Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed, waxaana xilka ku wareejisey xildhibaanadii ugu da’da yareyd ee loo doortay guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka Dhalinyarada taas oo lagu magacaabo Xamdi Xaaji Cali. Madasha ayaa waxa ay ahayd meel xamaasadu aad u kacsantahay, lagana dareemayay saansaan kasta oo doorasho, waxaa darbiyada ku dheganaa sawirada musharixiinta.

Guddoomiyaha la doortey Yoonis ayaa balanqaaday in uu ku shaqeyn doono hufnaan iyo caddaalad, dhalinyaradana u horseedi doono mustaqbal fiican. Prof. Shirwac oo ah guddoomiyaha ururarada bulshada Rayidka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey doorashada ka dhacday madasha, wuxuuna guddoomiyaha cusub kula dardaarmay in uu yeesho dulqaad, islamarkaasina balan been ah uusan ka qaadin xildhibaanada da’da yar.

Prof. Yaxye Cali Faarax oo ah guddoomiyaha jaamacadda SIU oo ka hadlay madasha ayaa dhalinyarada uga mahadceliyey biseylka ay muujiyeen, wuxuuna sheegey in tani tahay wax wanaagsan oo muujinaya horumarka iyo mustaqbalka wanaagsan ee dhalinyarada.

Mudane Abshir Bukhaari oo ahaa hal abuurihii iyo curiyihii fikrada Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa isna aad ugu bogaadiyey xildhibaanada da’da yar in ay tani u tahay bilawga mas’uuliyada weyn ee hortaala isaga oo intaas ku daray in ay u noqdaan dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed tusaale fiican oo ay ku daysadaan. Waxaa kale oo uu u sheegay in baarlamaanka Dhallinyarada looga baahanyahay in ay hada ka dib ku tababaran doonaan ka doodista hindise sharciyeedyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya haatan horyaala, iyaga oo xor ka ah qabyaalad iyo saameyn siyaasadeed ka dibna ay u codeeyaan hindise sharciyeedyadaas.

Doorashada labada ku xigeen ayuu waqtigu ka dhamaadey, waxaana loo balamay xili kale in ay qabtaan gudiga doorashada, taasi oo xildhibaanada lagu soo wargelin doono xiliga la qaban doono.

 

Sixitaan: Diseembar 12, 2014

Warbixintan oo horay loo daabacay ayaa waxaa si ilduuf ah loo xusay in magaca gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed uu ahaa Saynab Cabdulaahi, laakiin magaca saxda waa Xamdi Xaaji Cali.

 

IMG_4355

IMG_4342

IMG_4341

IMG_4340

IMG_4298

IMG_4248

IMG_4238

IMG_4230

IMG_4216

IMG_4211

IMG_4196

IMG_4193

IMG_4188

IMG_4173

IMG_4172

IMG_4171

IMG_4161

IMG_4158

IMG_4136

IMG_4135

IMG_4131

IMG_4129

IMG_4126

IMG_4115

IMG_4108

IMG_4107

IMG_4106

IMG_4103

IMG_4100

IMG_4097

IMG_4094

IMG_4088

IMG_4084

IMG_4080

IMG_4078

IMG_4076

IMG_4071

IMG_4069

IMG_4064

IMG_4063

Goobjoog News