U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka ah oo Muddo Xileedkii Ka Dhacay, Caretaker Assembly-ow Maxaad Qaban?

Sheeko:Amniga

Baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah Soomaaliya ayey maanta ugu egtahay muddo xileedkiisa, waxaa ka dhammaaday shaqadii dastuuriga aheyd ee qaranka u igmaday, inkasta oo ay sharci gaar ah sameysteen si ay usii joogaan, hadana dastuurka KMG ah, ololaha doorasho ee socda iyo dimoqoraadiyadda dalka ayaa diidaya sii joogistooda, waxaana laga digayaa iney sharciyo cusub curiyaan, oo ay boobsiyaan muddada kala guurka iyo doorashada.

Sida ku qoran qodobka 60-aad ee dastuurka KMG ah, muddo xileedka baarlamaanka kama badna afar sano, waxayna ka bilaabataa maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.

Qodobka 60aad. Muddada xilhaynta

(1)         Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalku waa afar sano oo ka bilaabata maalinta natiijada doorshada lagu dhawaaqo.

(2)         Xildhibaan kasta oo Baarlamaanka Federaalka ka mid ah dib ayaa loo dooran karaa.

Baarlamaanka 10-aad ayaa dhankooda sababo u gaar ah, si ay u sii joogaan waxaa ay ansixiyeen sharci muran ku jiro, iyaga oo sharciyeystay muddo xileedkooda kadib waxa ay labadiisa aqal soo saareen September 26, 2020 ansixinta heshiiska siyaasadeed ee jiheynta doorashada baarlamaanka 2020/2021 iyaga oo ku daray wax ka bedelka lagu sameeyey sharciga Lr. 20 27/06/2016.

Qodobka 3-aad oo xilhaynta hey’adaha dastuuriga ee dowladda ayaa u qornaa sidan:

 

Tallaabadan dambe ee baarlamaanka federaalka ah ku ansixistay iney sii joogaan muddo xileedkooda kadib, ayaa waxaa loo arkay mid dastuurka baal marsan, sharciyo lagu boobsiinayo, oo ah waqti kordhin dadban iyo mid ay doonayaan iney kusii joogaan, waxaana ka horyimid qeybaha kala duwan ee bulshada.

Haddaba, Maanta Kadib, Muxuu Ahaan Doonaa Baarlamaanka Federaalka ah?

Baarlamaanka federaalka ah waxaa uu ahaanayaa “Caretaker Assembly”, oo ah sii-haye, mana lahaan doono awoodo dastuuri ah sida uu sheegayo qodobka 60-aad ee dastuurka KMG ah, ma curin karaan ama ansixin karaan wax sharci ah, waxaana laga soo qaadayaa mid la kala diray ama olole doorasho ku jira sida ku dhacda baarlamaannada caalamka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee BF, oo Goobjoog News uga warramay muddo xileedka baarlamaanka federaalka ah ee dhammaanaya waxaa uu qabaa in hadda aaney aheyn in wax shaqo ah la qabto isaga oo qoraal kale uu soo dhigay barihiisa bulshada ku eedeeyey Farmaajo oo 40 maalin uun u hartay inuu go’aansaday inuu keligii isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaaso siyaasi ah iyo mid amni.

Dr. Xasan Sheekh Cali, oo ah falanqeeye xagga siyaasadda oo isla arrintan kala hadlay Goobjoog News ayaa yiri “27-ka December  2020 waxaa dhamaanaya mudo xileedka Golayaasha Sharci- Dejinta (10 aad) ee Soomaaliya, sidaas darteed Hay’ada Sharci- Dejintu xaq DASTUURI ah uma lahan in aay soo saarto go’aano ama qawaaniin masiiri ah”.

Dr. Xasan Sheekh Cali  oo sii hadlaya ayaa yiri “Inta laga dooranaayo Hay’ada Sharci- Dejinta (11-aad) Golaha hada jira wixii ka danbeeya 27ka December 2020 ka waxay  noqanayaan Gole u dhigma “Caretaker Assembly”, awoodna uma lahan in aay qaataan go’aan ama go’aano MASIIRI ah”.

Xubno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, oo la hadlay Goobjoog News, diidana in magacooda la xuso ayaa sheegay in guddiyada golaha uu iminka mid weliba gacanta ku hayo sharciyo la doonayo in laga gaarsiiyo ansixintooda  inta aanu iman baarlamaanka 11-aad.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News