U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka ah Waa uu Dhacay’, Abuukaate Zakariye Yuusuf

Sheeko:Amniga

Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ka tirsan hey’adda xasaradaha ayaa sheegay in baarlamaanka federaalka uu muddo xileedkiisu dhacay, isla markaana aanuu sii shaqeyn karin.

AVV. Zakariye oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Xagga sharciga markii la fiiriyo waxa bilawday soo xulista baarlamaankii kale, baarlamaanka kale ee hadda jooga wa dhamaaday waqtigiisii, nin xil haayo tartan ma gali karo, sidaa daraadeed laba aqal makala hor dhimanayaan ee isku mar ayey wada dhacayaan, gudiga doorashadu waxay cayimeen, ku dhowaaqeen oo cadeyeen in baarlamaanka ay ugu danbayso 26-ka bishan oo ay doorashada bilaabanayso wax ka danbeeya in uusan  baarlamaan jirin, inkastoo gudigan aysan aysan qayb ka ahayn laba dawlad goboleed oo uu kala dhimanyahay”.

Mar la waydiiyay sida uu noqon karo sharciyadda xukuumad uu baarlamaankedii lakala diray wuxu ku jawabay sharciyaqaanku “Dawladdu mandate-ka madaxweynaha ayey dawladdu ku shaqaysaa, markii lagaaro 8 february 2021ka ayaa imanaysa dooda ah yaa dalka ka arrimiya”.

Iyada oo muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa waxaa ay maanta golaha shacabka sii wataan shaqadooda iyaga oo akhrinta 2-aad marsiinaya miisaaniyadda 2021-ka.

Goobjoog News