U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa maanta shir uu ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdsho ku ansixiyay Heshiiska iskaashiga Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xubnaha baarlamaanka oo yeeshay kalfadhiga 8-aad kulankiisii 1aad ayaa  waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad Jaylaani Nuur Iikar, waxaan soo xaadirtay xubano gaaraya illaa 145 xildhibaan, Ajanadaha xildhibaanada horyaalleyna waxaa kamid ah Ansixinta heshiiska iskaashiga Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxaa baarlamaanka Heshiiska ka hor akhrisay wasiirka Caafimaadka marwo; Xaawo Xasan Maxamed oo u sharaxday xubnah qodobadda heshiiska iyo sida uu muhiimka ugu yahay Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Xaawo ayaa xildhibaanada ka codsatay iney heshiika oo dadbadan u baahan yahay ay ansixiyaan si uu u dhaqan galo:

” Markaan arkay dhibaatada baaxadda weyn ee adeega caafimaadka Soomaaliya haysata, waxaa dhaca qarax dadbaa xanuusada waxna looga qaban Karin Waddanka, heshiiskani waxa uu ii fududeynayaa dadkii dhibaateysnaa inaan 250 qof sanadkiiba banaanka aan u diro oo halkaa wax looga soo qabto tan koowaad, tan labaad khubarada dhinaca shaqaalaha caafimadka waxaa nagu yar dadkii xirfadda leh, hadaba halkaasna dadka Soomaaliyeed faa’iido badan ayaa ugu jirta”.

Xubnaha baarlamaanka oo meel marinta heshiiskan isla markiiba iska xil saaray ayaa waxaa la galiyay cod, waxaana ogolaatay heshiiska 136 xildhibaan, halka ay diideen 3 xubnood oo kale, waxaana ka aamustay 3 Xidhibaan, iyadoo sidaa uu heshiisku  meel mar ku noqday.

Heshiiskan waxaa dowladda Turkiga la galay Marwo; Maryan Qaasim sanadkii  2013-kii, xlligaas oo ay ahayd wasiirka wasaaradda Caafimaadka, waana heshiis khuseeya dhanka iskaashiga Caafimaadka iyo Aqoonta Cilmiga Caafimaadka.

Goobjoog News