U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Marxuum S. Guud Maxamed Cali Samatar

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kalfadhigii 8 kulankiisii 20aad ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay tacsi u direen guud ahaan ummadda Soomaaliyeed , gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Maxamed Cali Samatar.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xubnaha baarlmaanka tacsida ka hor akhriyay, waxaanuu yiri:

“Inaa Lillaah wa Inaa Ileyhi Raajicuun, Mudanayaal waxaa saaka isoo gaaray inuu geeriyooday magaalada Washington mudane Janaraal Maxamed Cali Samtar oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, muddo dheer kasoo shaqeeyay kana mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ciidanka Soomaaliyeed dadkii soo dhisay ha ahaado Boolis ama ha ahaado xoogga dalka, waxa uu ku geeriyooday magaaladaas Washington raxmaddii Janno Alle ha siiyo qabrigii Alle ha u ifiyo, Janatu fardowsana Alle ha ka waraabiyo intii uu ka geeriyooday iyo shacbiga Soomaaliyeedna samir Alle haka siiyo”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu in aas qaran loo sameeyanayo taana ay isku raaceen madaxda sarsare ee dalka:

“Markii ay geeridu isoo gaartay waxaan la xiriiray madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaaraha oo arrinkan geerida ku saabsan aan kala hadlay waxaanan go’aan sannay in muwaadinkaa sharafta ku leh waddanka ee soo halgamay xil badanna usoo qabtay dadka Soomaaliyeed in aas qaran loo sameeyo ayaanu go’aansannay wayna ku mahadsan yihiin ogolaashaha ay naga ogolaadeen in mudnaanta iyo sharafta uu leeyahay la siiyo”, ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiyaha baarlamaanka.

Saaka aroorimadii hore ayaa magaalada Virginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Soomaaliya.

Goobjoog News