U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Ka Warbixiyay iibinta Xaruntii Hore ee Baarlamaanka iyo Xildhibaano La Ganaaxay

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 21aad, Kalfadhiga 7-aad waxaa maanta shir guddoominayey Guddoomiye Jawaari waxaa soo xaadiray ilaa 141 Xildhibaan, Ajendayaasha waxaa ka mid ahaa:

Dhaarin Xildhibaan, Warbixin Guddiga Maaliyadda eek u saabsan Milkiyadda Ex Baarlamaan, Akhrinta 3aad warbixinta guddiga maaliyadda eek u saabsan sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo Maalgelinta Argigixisada iyo qeybinta warbixinta afar bilood ee guddiga doorashada qaranka u diyaariyay Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo furay kulanka ayaa sheegay in beri uu Baarlamaanka yeelan doono kulan albaadabada u xiran yihiin oo Xildhibaanada arrimo badan oo warbixino Xildhibaanada looga dhageysanayo.

Guddoomnka iyo habdhooraha waxay sameeyeen tirakoobka Xildhibaanada joogay iyo kuwa Maqnaa , Xildhibaanada qaar waxaa ay maqan yihiin 70%, qaar kale 70% halka qaar kale ay maqnaayeen 51% .

Jawaari waxaa uu Baarlamaanka u sheegay in Xildhibaanada maqnaada wax ka badan 50% la jari doono Gunnooyinka, waxaana Magacyada Xildhibaanadaas loo diray guddiga anshaxa.

Dhowr iyo Laabatan Xildhibaan ayaa la ganaaxay ilaa 600$, Xildhibaanada waxaa loo sheegay in Xildhibaanka Maalin Maqnaado laga jari doono 100$

Xildhibaanada uu horkacaya Guddoomiyaha ayaa su’aalo weydiiyay Duqa Magaalada arrinta la xiriirta in milkiilaha Universal TV laga iibiyay dhulkii baarlamaankii hore, ilaa 40 Xildhibaan ayuu u waramay, guddiga Maaliyadda ayaa sameeyay baaritaan dheeraad, kadib su’aalo ayey ka weydiiyeen.

Guddiga Maaliyadda ayaa meesha ka saaray in Universal laga iibiyay dhulkii baarlamaankii hore, isagoo warbixintooda ku ogaaday in heshiiska ahaa in Milkiilaha Universal uu xaaqo goobta kadib Darjiino ka sameeyo, arrintaas oo xitaa sida muuqata aan ka daadagi doonin Xildhibaanada.

Kulanka Baarlamaanka Waxaa Maanta la dhaariyay Xildhibaan Cali Ciise Nuur oo lagu badalay Sadiq Cabdikarim.

Guddiga doorashooyinka ayaa soo bandhigay Buug yar uu ku qoran yahay waxqabadkooda 4tii bil ee la soo dhaafay iyagoo soo qoray xubnaha guddiga, hiigsiga guddiga, aragtiga howlgalka guddiga Madaxa banana ee doorashooyinka iyo Mabaadiida Hogaamisa Guddiga Madaxa banana ee doorashooyinka.