Baarlamaanka Federaalka Oo Kulan Degdeg ah ka Yeelanaya xilka Qaadistii Caydiid Ilka Xanaf

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya xil ka qaadista guddoomiyihii maxkamadda Sare ee Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka xanaf.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa Goobjoog News waxa ay u xaqiijiyeen in kulanka uu dhacayo maanta oo khamiis ah loogana hadli doono xil ka qaadista guddoomiyihii maxkamadda sare ee Caydiid Ilka xanaf.

Madaxweynaha Federalaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf, waxaana sababata xilka qaadista loo cuskaday da’diisa oo aan u saamaxayn inuu sii wato howlihiisa shaqo ee loo igmaday, iyo arrimo kale.

Si kastaba, waxaan la ogeyn shirka maanta baarlamaanka waxa ka soo bixi doona, iyadoo aan fadhiyada baarlamaanka looga baran in la qabto maalinta khamiistah, laakiin waxay u muuqataa in baarlamaanku uu si degdeg ah uga jawaab celinayo xil ka qaadista Guddoomiyihii maxkamadda sare.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW