U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Maanta ka Doodaya Mashruuc Sharci oo Lagu Ogolaanayo In Doorasho Dadban ay Dalka Ka Dhacdo

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ballansan kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka 2016,  ayadoo guddigii loo xil saaray diyaarinta mashruuc sharci oo lagu ogolaanayo iney doorasho dadbani ay dalka ka dhacdo uu soo gabagabeeyay howlihiisa shaqo.

Kulankan baarlamaanka ayaa xildhibaanada loo sheegay in la shaqeyn doono labada galin, lagana doodi doono mashruuca sharci ee lagu ogolaanayo iney doorasho dadbani ay dalka ka dhacdo.

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen oo ka tirsan guddiga baarlamaanka ee dib u eegista hanaanka doorasho ee 2016, ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay iney howshoodii shaqo soo gabagabeeyeen isla markaana baarlamaanka la horgeynayo si ay u ansixiyaan.

Ugu dambeyn, kulanka baarlamaanka ayaa la filayaa iney xildhibaanadu dood adag ka yeeshaan howl-qabadkii guddiga baarlamaanka oo la horgeyn doono xubnaha, iyadoo looga fadhiyo baarlamaanku inuu sharciyeeyo Doorasho dadban iney dalka ka dhacdo.

Goobjoog News