Baarlamaanka Federaalka Oo Maanta Meelmariyey Hindise Sharciyeedka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigii 7aad kulankisii 35 aad, kulanka ayaa ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayey Guddoome ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar.

Ajandaha shirka maanta baarlamaanka hor yaallay waxaa ka mid ahaa Ansixinta Hindise sharciyeedka Maareynta Masiibooyinka oo muddo dheer Baarlamaanka looga fadhiyay iney ansixiyaan, laakiin ugu dambeyn ay maanta u suuro gashay iney meelmariyaan, guud ahaan xubnaha Baarlamaanka ee codbixinta ka qeybgalay ayaa gaarayey 140 xildhibaan, waxaa sharciga meelmarisay oo ogolaatay 126 xildhibaan, waxaa diiday 5 xildhibaan, iyadoo 6 kalena ay ka aamuseen.

Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee “SODMA” ayaa waxaa la aas-aasay August 03, 2011, kadib markii ay dhacday abaartii ku dhufatay Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Dalka.

Hay’adda ayaa muddo 5 sano ku dhawaad ah aaney shaqaalaheedu arkin wax mushaar dowladeed ah, xoogaa gunno ah oo ay heli jireen mooyaane, waana sida uu baarlamaanka ka hor sheegay Febraury 10,2016 Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha gudaha, maamulada Gobollada & Amniga Qaranka ee baarlamanka federaalka Xil.Daahir Amiin Jeesow.

Ugu dambeyn hay’addan ayaa Ahmiyad weyn u leh shacabka Soomaaliyeed , marka loo eego marxaladdii la aas-saasay iyo ujeedooyinka loo sameeyay oo ay dani ugu jirto danyarta dalka, loogana fadhiyo hay’adda gacan qabadka iyo waxtarkooda intaba

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW