U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isku Raacay Mashuurc Sharci oo Lagu Toosinayo Hanaanka Doorasho ee 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in la sameeyo mashruuc sharci oo lagu toosinayo hanaanka doorasho ee 2016.

Kulanka ayaa ku astaameysnaa kalfadhiga 8aad kulankiisa 8aad waxaa soo xaadiray xildhibaanno gaaray 151 xildhibaan, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ajanduhuna waxa uu ahaa sii wadidda dooddii xildhibaanada ee hanaanka doorashada 2016.

Gabagabadii doodda xildhibaanada ayaa waxaa hadalka qaatay guddoomiyaha baalramaanka Jawaari, waxaanuu yiri:

“Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, qeybta koowaad ee doodda ku saabsan barnaamijkii ay soo gudbisay xukuumadda sida tifaftiran ayaa uga doodeen waad ku mahadsan tihiin, waxay guddoonka la tahay in arrinta labo qeybood u qeybinno, angoo ka tixraacaya doodiinu sida ay u dhacaysay oo ahayd waafajinta dastuurka iyo doorashda sida ay ku imanayso iyo madaleynta maalinta doorashadu dhacayso iyo dhamaan howlaha laga rabo xukuumadda sidii loo dhameys tiri lahaa sidey u cadaan lahayn oo anaga iyo shacbi weynaha u ogaan la hayn waa lagama maarmaan”.

Waxa uu yiri, aan kala qaadno arrinka, midna waxa weeyaan xil anaga baarlamaan ahaan toos noo taabanaaya oo ah in wax sharci ah ay ka baxaan meesha.

Guddoomiyahu waxa uu xubnaha xasuusiyay go’aan hore goluhu u gaaray:

“Xildhibaanada waxaan rabaa inaan xasuusiyo bishii September waxaa la magacaabay xildhibaanno arrimaha siyaasadda kasoo tala bixiya, ka bacdina bisha Luuliyo 28-keeda la isla gaaray 3 qodob oo xukuumadda iyo baarlamaankuba wadar ogol ku qaateen oo ahayd ineysan dhici Karin doorasho qof iyo Cod ah waan isku raacnay waxaad ku ansixiseen qaraarkii ahaa 28 Luuliyo 2015”.

“Waxaa lagama maarmaan noqoneynsa in Mashruuc sharci aanu sameynno oo aanu ku ansixineyno sidii ay ku dhici lahayd in la qabto doorasho dadban oo doorashidii tooska ahayd ee Dastuurka codsanayay aanu ku bedalno, in doorasho dadban la qabto 2016, iyadoon dastuurka wax loo dhimeyn, waxaana ku habboon inaan guddi kooban u bixinno oo ugu dambeyn illaa Isniinta inoo keenan si aan arrinkan u sharciyaynno, sharci ansixinaya in la qabto doorasho dadban, waxayna noqoneysaa mashruuc sharci” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay arrinka labaad ee looga fadhiyo xukuumadda si doorashda loogu qabto wakhtigeeda, wax kastana loo caddeeyo:

“Arrinka xigta waa arrimaha tafaftiran ee aad ka hadasheen dorashadu sida ay u dhacayso,  wakhtiga ay dhacayso, yaa qabanaaya, sidee loo qabanayaa, guddiyada la qabanaayo howshoodu maxay tahay, inaan xukuumadda ka codsanno iney keento, haddii loo baahdana aan sameynno guddiyo isku dhaf ah, laakiin marka hore iyadaan weydiinaynaa iney hindise sharciyeed ku keento”.

Markii uu guddoomiyuhu hadal jeedintiisa dhameyay ayuu xubnaha baarlamaanka ka codsaday iney arrintaa uu soo jeediyay ay isku raacaan si muddo kooban loo horkeeno mashruuca sharci ee ogolaanaya in doorasho dadbani dalka ka dhacado, kadibna xubnuhu wey isku raaceen oo sidaa lagu soo afmeeray dooddii koowaad ee soo jeedinta xukuumadda arrimaha doorashooyinka ee 2016.

Goobjoog News