U bood dhigaalka

Baarlamaanka Fedraalka Oo Maanta la Hor keenay 10 Cutub oo Dastuurka wax laga badalay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu maanta isugu yimid kalafadhiga 7aad kulankiisii gaarka ahaa ee 5-aad, iyadoo uu shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka kowaad Jaylaani Nuur Iikar.

Baarlamaanka ayaa maanta waxaa xaadir ku ahaa kusimaha madaxweynaha ahna guddomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo guddomiyaasha Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka, madaxda Axsaabta qaran.

Ajandaha shirka ayaa ahaa dhageysiga warbixin guddiga la socodka , dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee baarlamaanka.

Guddiga ayaa baarlamaanka hor keenay 10 cutub oo ay sheegeen in lagu soo sameeyay wax ka bedel isla markaana baarlamaanka laga codsaday iney ka tala bixiyaan oo ay ra’yigooda soo gudbiyaan si guddigu ay tala soo jeedinta xubnaha ugu lifaaqaan warbixintooda dambe kadib wadatashiga guud.

Guddoomiyaha Guddiga la Socodka, dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo warbixinta guddiga jeedisay ayaa xubaha baarlamaanka u sheegtay “Maanta waxaan idin hor keenaynaa, qeyb ka mid ah dastuurkii labada guddi ay muddo ku howlanaayeen waana cutubka 1aad illaa cutubka 5aad oo meel ah, dhinaca kalena cutubka 10aad illaa cutubka 14aad si ay xubnaha baarlamaanku u soo akhristaan, dabadeedna waxaa la isku raacsan yahay lagu daro, laga bedelo amaba laga saaro”.

Maryan Cariif ayaa tiri “Xubnaha baarlamaanka federaalka ayaa matala ummadda Soomaaliyeed oo dhan, islamarkaana xaq u leh wax ka bedelka dastuurka sida ku qeexan qodobka 63aad  faqraddiisa “A” ee dastuurka KMG, iyagoo ilaalinaya qaranimada dalka iyo xasilloonida siyaasadeed iyo guud ahaan amniga iyo nabad ku wada noolaashiyaha shacabka Soomaaliyeed ilaalinaya, waxaanay xubnaha baarlamaanku ka qeyb gali doonaan mashruuca wadatashiga dastuurka ee ka dhici doona gobolada dalka gudiihasa iyo dalka dibaddiisa intaba”.

“10 cutub ee aan soo xulnay  waxaa ku jira arrimo masiiri ah oo ay ka mid tahay in shareecada islaamku ay saldhig u tahay dastuurka iyo shuruucda oo idil qodob kasta oo ka hor imanaya shareecadana uu yahay waxba kama jiraan”, waana sida ay hadalka u dhigtay Xildhibaanku.

Ugu dambeyn 4 cutub ee harsan ayaa ah kuwa ugu calculus dastuurka dalka, waxayan kala yihiin cuturbyada 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad, Afartaa cutub ee harsan waxay khuseeyaan arrimo wada xasaasi ah, sida awoodaha aqalka hoose, iyo kan sare loo qeybinaayo, awoodaha Madaxweynaha, awoodaha Ra’isul wasaaraha iyo awoodaha garsoorka dalka kan sare iyo kan hoose intaba, Sidaa daraadeed waxaa loo xil saaray waxa ka qabashadooda baarlamaanka 10aad ee qaranka.