U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug oo Ka Fariistey Wax Ka Badalka Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ay maanta yeesheen golaha wakiilada maamulka Galmudug oo ka dhacay Cadaado ayaa waxaa loo qeybiyey nuqulo ka mid ah dastuurka Galmudug ee horey loo ansixiyey si wax looga badalo.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay 48 mudane, waxaana shir guddoominayay guddoomiye Cali Gacal Casir.

Inkasta oo aanan la ogeyn qodobada wax laga badalayo kuwa ay yihiin, ayaa hadane waxaa la filayaa in wax ka badalka uu ku saabsanyahay qodobka sheegaya xuduudaha maamulkaasi, arrintaasi oo buuq ka dhex dhalisey labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Dowladda federaalka iyo beesha caalamka ayaa la fahamsanyahay in hoggaanka sare ee Galmudug ay ku riixeen in ay dib u eegis ku sameeyaan qodobada horseedi kara isku dhacyada.

Sidoo kale Galmudug ayaa waxa ay wadahadalo kula jirtaa ururka Ahlu Sunna ee hubeysan, kaasi oo laga yaabo in ay ku gorgortamaan in xubno laga siiyo baarlamaanka, taasina ay qasab ka dhigeyso in dastuurka wax laga badalo.

Goobjoog News