U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug “Puntland Ayaa Diiddan Heshiiska Xabad Joojinta Ee Dagaalka Gaalkacyo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay dagaallada weli ka socda magaalada Gaalkacyo dhiggooda Puntland.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali oo kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay diyaar u yihiin nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo iyo in laga heshiiyo dagaalka.

Puntland ayuu ku eedeeyay inay diiday heshiiska iyo labada maamul inay ka wada hadlaan waxa dhaliyay colaadda galbeedka Gaalkacyo taagan.

“Puntland ayaa ka dambeysa dagaallada weli ka soconaya Gaalkacyo maxaa yeelay maamulkaas ayaa diiday in la wada hadlo waxaad la socotaan in wasiirradii Galmudug ee wada hadalkaas loo xil saaray ay ka shaqeyn waayeen dhanka Puntland” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa sheegay inuu Puntland ugu baaqayo in ilaaliso deris wanaagga islamarkaana ay ka tanaasusho dagaalka.

“Gobolka Mudug waa Galmudug waxaana leeyahay Puntland colaadda ka joojiyo shacabka gobolkaasi oo aan masuul ka nahay,  maxaa yeelay aniga xuduudeyda waxay ku eg tahay Burtinle haddaan Galmudug ahay” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka hadlakiisa ayaa ku soo aadaya iyadoo weli magaalada Gaalkacyo uu ka taagan yahay dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Goobjoog News