U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hindiya Oo Muslimiinta Ka Reebay Dad La Siinayo Dhalashada Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Hindiya ayaa talaaladadii ogolaaday sharci dhalasho ama jinsiyad lagu siinayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi.

Dadkaasi jinsiyadda la siinayo waxaa ku jira dad aaminsan Hinduus, Christian iyo Siikh, kuwaas oo ka yimid dalalka Bangladesh, Pakistaan iyo Afgaanistaan, laakin waxaa laga reebay kuwa diintoodu tahay Islaamka.

Dad arrintan dhaliilsan waxaa ay sheegeen in ra’isul wasaare Narendra Modi uu iska gadayo codbixiyeyaasha ka hor doorashada May.

Ilaa shalay waxaa socdo dibad-baxyo arrintaasi looga soo horjeedo, waxaana muuqato in loo arko takoor iyo mid laga leeyahay ujeedo gaar ah.

Goobjoog News