U bood dhigaalka

Xildhibaan Daqare “Baarlamaanka Hirshabeelle Fasax Kuma Jiro Shaqana Ma Qabto”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Sheekh Bashiir (Daqare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa noo sheegay in baarlamaankoodu aanuu fasax ku jirin wax shaqo ah oo ay qabtaanna aaney jirin , isbedelka madaxtinimo ee dalka laga filayo darteed.

Xildhibaanka oo Goobjoog siiyay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa ka hadlay shaqooyinkii ay qabteen kuwoodii ugu muhiimsanaa oo uu ku sheegay doorashada xubnaha Hir-Shabeelle ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“5 bishii October markii ay ergadu ansixisay dastuurka, waxyaabo badan oo aan urkaynay ineysan habbooneyn hakin ayaan ku sameynnay, kadibna waxbadan ayaan ka bedelnay, tallaabooyinkii kale ee xigay oo la qaban lahaa xeer-hoosaadyadii laga doodi lahaa iyo ansixiintii ayay ahayd taasna hakad ayaa galay”, ayuu yiri xildhibaan Dakharre.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay inaaney jirin fasax ay galeen iyo shaqo ay qabtaan toona:

“Haddii aan sida xaqiiqada ah kaaga jawaabo, Baarlamaankii fasaxna kuma jiryo, waana u egyahay, waxaana kalifaayo xilliga kala guurka ah, xeer-hoosaadkii la sameyn lahaa iyo guddiyadii joogtada ahaa waxaad mooddaa iney u xiran yihiin magacaabista golaha wasiirrada, golihii wasiirrada sida aad ula socotana marna bil ayaa lagu daray, marna Labo bil ayaa lagu daray, wixii markaa sidaas ayay iskugu xayiran yihiin”.

Xildhibaanka ayaa ku sababeeyay howl yaraanta ka muuqata baarlamaankooda ay sabab u tahay maamulka oo aan ilo dhaqaale lahayn, iyo doorashada madaxtooyada Soomaaliya oo ay u joogsadeen hore u socodka maamul ee Hir-Shabeelle, waxa uuna yiri:

“Waxaan ognahay habaca yimid inuu ka yimid waqtiga kala guurka ah, Hir-Shabeelle dhaqaale gaar ahna ma leh, dagmooyinka ay xukuntana iyagana canshuur inta badan lagama qaado, baarlamaanku meel cayiman oo la sheegi karo oo ay ku shaqeeyaan hadda malaha, xafiisyo ma leh, madaxtooyadu meel Hotel ahaan jirtay oo gaar loo leeyahay ayay kor degan yihiin, wax badan oo dhaqaale u baahanna waa hortaagan yihiin, waxaan is leeyahay haddii bisha soo socota la gaaro, howluhu way fiicnaan doonaan”.

9 October ayay ahayd markii la dhaariyay xildhibaannada dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo marka laga yimaaddo doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee u xubnaha u matalaya maamulka, waxaaney wali sameysan xeer-hoosaadkii kala hagi lahaa xubnaha baarlamaanka, guddoonkana u sahli lahaa  howl maalmeedkooda joogtada ah ee baarlamaanka.

Goobjoog News