U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ansixiyay Guddiyada Dastuurka iyo Xeer Hoosadka Baarlamanka

Sheeko:Amniga

Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 17aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mahad Hassan Osman ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee Jowhar.

Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Guddiyada Dastuurka iyo Xeer Hoosadka Baarlamanka Hirshabelle kaasoo 09 February 2021 xubnaha Guddiyada uu soo Magacaabay Gudoomiyaha Baarlamanka iyagoona iska dhex doortay Gudoonka Guddiga.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay Baarlamanka muhiim ugu yihiin labadaan Guddi sidoo kalena waxuu Gudoomiyaha xusay in Guddiyada kale ee Golahan uu gacanta ku haayo shaqadooda dhawaan la horkeeni Doono Baarlamanka si ay kalsoonida u siiyaan.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigenka 2aad ayaa Xildhibaanada uga jawaabay su,aalo kusaabsan Habraaca maray Dhisida Labadaan Guddi.

Sidoo kale qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa aragtidooda ku biiriyey Guddiyada maanta Baarlamanka horyimid waxeyna Xuseen inay soo dhaweynayaan Sida muhiimad loo siiyey Guddiyada manta lasoo hormariyey.

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa xildhibaanada kacodsaday inay ansixiyaan labadaan Guddi si ay u Gutaan waajibadkooda, waxeyna xildhibaanada ku ansixiyeen cod Gacan taag ah.

Waxaa Natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka ,Waxaa ogolaatay 49, Waxaa diiday 5, Waxaa ka aamusay 3.