Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ka Dooday Sharciyo Muhiim Ah

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo maanta Kalfadhigii 1aad Kulankiisa 16aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ku yeeshay maagalada jowhar ee xarunta maamulkaas ayaa ka dooday Hindisayaal Muhiim ah .

kulanka maanta oo ay soo xaadireen 51 Xildhibaan ayaa kaqabsoomay xaruntooda maagalada Caasimada Hirshabelle ee jowhar .

Kulanka ayaa waxaa  shir Gudoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq, Ajendaha kulanka ayaana ahaa Habraaca Dhisida Guddiyada .

Ugu horeynta Kulanka  Xoghayaha Guud ee Baarlamanka Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad) ayaa xildhibaanada kahor akhriyey Tirada Guddiyada iyo Waajibadkooda, iyadoo xildhibaanad kulanka ka soo qeeyb gashay  Qaar kamid ah ayaa aragtidooda ku biiriyey Habraaca Dhismaha.

Ugu dambeyn Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa kacodsaday Xildhibaanada inay buuxiyaan foomka loogu tala galay Habraaca Dhisida Guddiyada soona xiray Kulanka 16aad ee Golaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW