U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Sharciyo Muhiim Ah ka Dooday.

Sheeko:Amniga

Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kuguda Jira Kalfadhiga 1aad ayaa Fadhigiisa 14 kuyeeshay Caasimada Hirshabelle ee jowhar,

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa Ajendahiihu ahaa Qeybinta iyo Akhrinta Xeer Hoosadka Baarlamanka iyadoo Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad) uu Xildhibaanada Kahor Akhriyey Cutubka 1aad oo ka kooban 10 Qodob iyo Cutubka 2aad oo ka kooban 7 qodob oo dhamaantod ah Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Ugu dambeyn Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga isagoo xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta Xeer Hoosadka sii socon doono ilaa laga dhameyo Cutubyada iyo Qodobada uu ka kooban Xeer Hoosadka Baarlamanka