U bood dhigaalka

Baarlamaanka Itoobiya Oo Laalay Xaaladdii Degdegga Ahayd Ee Uu Dalkaasi Ku Jiray

Sheeko:Dalka

Kulan uu isugu yimid baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa lagu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee uu dalkaasi ku jiray.

Golaha wasiirada Itoobiya ayaa horey u laalay xaaladda deggdegga ahayd, hase ahaatee baarlamaanka ayaa maanta arrintaasi ku raacay.

Xaaladda degdegga ah ee dalka Itoobiya lagu soo rogay ayaa timid kadib markii bilooyin badan ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo rabshado watey oo looga soo horjeeday dowladda uu hoggaaminayey Hailemariam Desalegn.

Siyaasadda Itoobiya ayaa galeysa isbedal aad u badan wixii ka dambeeyey markii xilka Ra’iisul wasaare loo doortay Abiye Axmed.

Goobjoog News