U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland oo Ansixiyey 10 Xildhibaan oo Lagu Kordhinayo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo goordhow oo galabta casar gaabadkii ah xiliga Soomaaliya kulan deg deg ah ku yeeshay meel aan sidaasi uga fogeyn goobta beri lagu qaban doono munaasibada caleemasaarka ayaa ansixiyay in 10xubnood lagu soo kordhiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo horay u ahaa 75 xubnood balse wixii hadda ka dambeeya noqonaya 85 xubnood.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si buuxda u taageeray go’aankii uu shalay shaaciyay Madaxweyne Axmed Madoobe ee ahaa in 10 xubnood lagu kordhiyay Baarlamaanka Jubbaland kadib cabashooyin iyo baaqyo kala duwan oo meelo kala duwan uga kala yimid.

Xildhibaanada ayaa cod gacan tag ah u qaaday in 10 xubnood lagu soo kordhiyo Baarlamaanka Jubbaland iyo inkale.

Kulanka ay XIldhibaanada ku ansixiyeen go’aankii Madaxweyne Axmed ayaa waxaa ka soo qeyb galay 58 Xildhjibaan, waxaa taageertay 56 Xildhibaan, 2 Xildhibaan ayaa ka aamustay, ma jiro Xildhibaan diiday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaana shaaciyay in Xildhibaanada Jubbaland ay cod buuxa ku ansixiyeen go’aankii Madaxweynaha Jubbaland ee uu shalay shaaciyay ee ahaa in 10 xubnood lagu kordhiyay Xildhibaanada Jubbaland.

Goobjoog News