U bood dhigaalka

Wasiirada Jubbaland Oo Codka Kalsoonida Ah Ka Helay Baarlamaankooda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyey golaha wasiirada Jubbaland iyo madaxweyne ku xigeennada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulan ay baarlamaanka Jubbaland ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa lagu meelmariyey xubnahan.

Xildhibaan Bashiir Baahale ayaa ugu horreen xildhibaannada Jubbaland u akhriye codsi uu madaxweyne Axmed Madoobe ku dalbanayo in xubnahan la meelmariyo iyo sidoo kale magacyada wasiirada Jubbaland iyo ku xigeennada madaxweynaha maamulkaasi.

Kulanka baarlamaanka Jubbaland waxaa soo xaadirtay 58 mudane oo dood yeeshay kahor ansixinta xubnahan.

Codka ansixinta oo ahaa gacantaag waxaa meelmariyey wasiirada cusub ee Jubbaland iyo ku xigeennada madaxweynaha 53 mudane, waxaa diidday 2 mudane halka 3 mudane ay ka aamuseen.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan oo shirkaan guddoominayey ayaa sheegay in ay ansax yihiin dowladdii uu baarlamaanka horgeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Goobjoog News