U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland oo Dib u Dhigey Ka Doodista Xeer Hoosaadkooda

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu soo bandhigey qoraalka xeer hoosaadka uu yeelanayo baarlamaankan, balse dood dheer kadib waxaa dib loo dhigey in hawshiisa la guda galo.

Waxaa shir guddoominayay ku xigeenka guddoomiyaha Aadan Khaliif, waxaana soo xaadirtey illaa 60 xildhibaan oo ka mid ah 75-ta xildhibaan ee uu hadda ka koobanyahay aqalkani.

Sida uu warbaahinta u sheegey Xildhibaan Bashiir Maxamed Baahale oo madax ka ah guddi loo saaray sharci hoosaadka , xildhibaanad ayaa codsaday in waqti badan la siiyo si ay oga doodaan ama usoo akhriyaan sharci hoosaadkani.

“Kadib dood dheer oo aan yeelanay, waxaan isku afgaranay in dib loo dhiggo arrinkani oo ah mid muhiim ah, una baahan waqti fiican oo looga arrinsado” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir.

Baarlamaanka Jubbaland ayaanan wali u hawlgalin hawlihiisii shaqo ee rasmiga ahaa tan iyo intii 15-kii bishii lasoo dhaafay uu madaxweyne u doortey Axmed Maxamed Islaam.

Goobjoog News