U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland oo maanta Galay Fasax ku Aaddan Bisha Ramadaan

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa galay fasax ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo yeeshay kalfadhigii 2aad kulankiisii 5aad ayaa waxa ay ka doodeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga  iyo la xisaabtanka xukuumadda, iyadoo uu baarlamaanku galay fasax ku aaddan bisha Ramadaan.

Xildhibaan Cali Cabdullaahi Xaaji(Xoog), oo ah guddoomiyaha guddiga xanaanada xoolaha, bay’ada iyo dalxiiska ayaa sheegay in baarlamaanku galay fasax ku aaddan bisha Ramadaan, la iskuna soo noqon doono ciidda ka dib:

“Maanta waxaan iskugu nimid  doodo ku saabsan guddiyadii shaqada soo qabtay,  baarlamaanka inta Ramadaan ka dhiman in la fasaxo, fasaxa aadbaan ugu faraxsanahay, wixii Ciidda ka dambeeya ayaan isku soo laaban doonaa”.

Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga amniga ee baarlamaanka Iftiin Xasan Baasto ayaa ka hadlay in baarlamaanku uu qabtay shaqooyin kala duwan:

” Shaqadii ugu horreysay ee aan qabanno arrimaha amniga wixii ku saabsan waxaan la kulanay wasiirkii amniga, howlihii inoo yaallay ee shaqo ayaan gudo galney, taas ayaan wali ku howl jirnaa, shaqadii kale ee aan qabaney waxy ahayd guryaha loo dhisayo qaxiitiga ee qubuurihii hore ee minishiibiyo looga dhisayo ayaan soo booqaney”.

Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Jubbaland ayaa furmay 9 Juun 2016 iyadoo baarlamaanka shaqadoodii ugu weyned ay mudadaas ahay ansixita golaha wasiirada cusub ee Jubbaland.

Goobjoog News