U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Oo Waqti Dheeraad Ah Siiyey Madaxweyne Axmed Madoobe Si Uu Usoo Magaacbo Wasiiradiisa

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa kullan ay maanta ku yeesheen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose waxay cod ugu qaadeen warqad codsi ah oo ka timid madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe taasi oo ku aadan in loogu daro muddo 45 cisho ah si uu usoo magacaabo wasiiradiisa.

Kulanka xildhibaannada Jubbaland waxaa soo xaadirtay 53 Xildhibaan, waxaana aqbalay codsigii Madaxweynaha 46 mudane, waxaa diidday 6 Xildhibaan halka 1 mudane uu ka aamusay.

Mudadan loogu daray Madaxweyne Axmed Madoobe si uu usoo magacaabo wasiiradiisa waxay ka billaaban doontaa 6-da bisha April ee soo socota.

Waa arkii Seddaxaad oo baarlamaanka Jubbland uu muddo kororsi u sameeyo madaxweynaha Jubbaland si uu usoo dhiso xukuumaddiisa.

Goobjoog News