U bood dhigaalka

Baarlamaanka maamulka Puntland oo meel mariyay xeerka saxaafadda

Sheeko:War

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta meelmariyay xeerka warbaahinta Puntland oo ay dhawaan baarlamaanka hordhigtay wasaaradda warfaafinta.

32 mudane ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey xeerka saxaafadda,Waxaana xeerka la meel-mariyey xilli uu taagnaa muran u dhexeeya weriyaasha iyo wasaaradda, kaas oo intiisa badan salka ku hayey xeerka saxaafadda.

Guddiga shuruucda baarlamanka Puntland ayaa xeerka gacanta ku hayey si ay dib u eegis ugu sameeyaan, sidoo kale xildhibaanada ayaa nuqulo la siiyey si ay u soo akhriyaan.

In kastoo xeerka su’aalo laga weydiiyey guddiga u xil saarnaa haddana baarlamanka ayaa si buuxda u ansixiyey, waxaana codka gacanta taaga ogolaaday kala bar in ka badan xildhibaanadii fadhiga joogay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta loo qaaday xeerka, wuxuuna sheegay in kulanka oo ay soo xaadireen 37 xildhibaan ay 32 gacan-taag ugu codeysay, hal xildhibaanna uu diiday, halka 4 kale ay ka aamuseen.

Dhanka kale, Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa ka soo horjeestay ansixinta xeerkan, isagoo ku doodaya in guddiga loo xilsaaray arrintan ay awood badan siiyeen wasaaradda warfaafinta, isla maarkana la xaddiday awoodda warbaahinta.

Qodobka ugu weyn ee weriyeyaash ay ku dhaliileen xeerka ayaa ah in kaararka aqoonsiga ay bixineyso wasaaradda warfaafinta Puntland, taa oo ay wariyaashu ku tilmaamay in aan wax laga sheegi karin Puntland haddii kale kaararka aqoonsig loo diidayo ama lagala noqanayo.