U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Ansixiyey Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka, kuwaasi oo mid mid loogu codeeyey.

Sida sharciga uu qabo xubinta ka tirsan labadan gudi waxaa ay ansax noqonaysaa marka ay hesho 94 cod, waxaana codadka u kala leheen sidan.

1.Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden,  wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Goobjoog News