U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Gudiga Federaalka iyo Xuduudaha

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah baarlamaanka Soomaaliya waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey hindise sharciyeedka gudiga federaalka iyo xuduudaha kaasi oo horey uu mar u diidey baarlamaanka.

Daahir Amiin Jeesoow oo ah guddoomiye ku xigeenka gudiga arrimaha gudaha ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey sharciga ka hor intii aanan loo codeynin, kadibna waxaa la guda galay codeynta.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cawad oo shir guddoominayay ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey natiijadii kasoo baxday codbixinta.

Wuxuu sheegey in 145 mudane ay codkooda dhiibteen, 13 ka mid ah ay diideen sharciga, 3 ay ka aamuseen, halka 129 ay u codeeyaan, sidaasina uu sharciga ku meel maray.

Mahad ayaa sheegey in sharciga loo gudbin doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu u saxiixo, kadibna faafinta rasmiga ah loogu soo saaro si loo dhaqangaliyo.

Sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xildhibaanada oga mahadceliyey ansixinta xeerkani.

Gudigani Federaalka iyo Xuduudaha waxa uu ka midyahay kuwa dhawr ah oo muhiimad weyn u leh hiigsiga 2016-ka xiligaasi oo la doonayo in dalka doorashooyin laga qabto.

Dhageyso

Goobjoog News