U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo aysan Waxbo u Qabsoomin Muddo Labo Bilood Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa baaqdey kulamadii baarlamaanka federaalka ee qabsoomi lahaa maalmaha sabtida iyo axada oo maanta ah sababo aanan la aqoonin, waxayna tani imanaysaa xili uu horey u jirey dib u dhac shaqooyinkii baarlamaanka uu qaban lahaa muddo labo bilood ah oo uu hadda baarlamaanka furanyahay

Sharciga ugu horeeya ee baarlamaanka horyaala ayaa ah sharciga saxaafadda kaasi oo soo jiitamayay muddo 9 sano ah tan iyo intii uu sharcigani soo ambo qaadey Maxamed Cabdi Xayir Maareeye sanaddii 2006-dii xiligaasi oo uu ahaa wasiirka warfaafinta dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Kulankii ugu dambeeyey ee uu baarlamaanka yeeshey ayaa ahaa kii 6-dii bisha ee lagu ansixiyey mooshinkii ka dhanka ahaa golaha wakiiladda Jubbaland.

Kalfadhigii 6-aad ee baarlamaanka oo hadda lagu gudo jiro ayaa waxa uu furmey daboyaaqadii bishii Maarso, waxaana hadda uu furanyahay muddo labo bilood ah, hase yeeshee ma jiraan wax sharci ah oo uu meelmariyey illaa iyo hadda, waxaana xusid mudan in muddo bil ah uu ku jirey is jiidjiid ku saabsan mooshinkii Jubbaland.

Waxaase jirey kulamo ay yeelanayeen guddiga joogtada ee baarlamaanka, kuwaasi oo caadi ahaan ay tahay in ay shaqeeyaan sedex maalmood todobaadkii, halka kullamada caadiga ah ay tahay in ay iyaguna sedex maalmood qabsoomaan todobaadkii. Lamana oga waxa u qabsoomey guddiga joogtada ee baarlamaanka.

Waxyaabaha caqabadda ah ee kulamada baarlamaanka ay inta badan ka furmi waayaan ayaa ah guntan la’aanta, iyada oo xildhibaanada inta saxiixaan diiwaanka baarlamaanka haddana isaga laabta aqalka iyaga oo aanan u fariisinin ka qeybgalka kulamada caadiga ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa hadda ah ku simaha madaxweynaha taasi oo aanan u suurogalineynin in uu shir guddoomiyo kulamada baarlamaanka, tani ayaa waxa ay dhacdaa marka uu madaxweynaha u dhoofo dalka dibadiisa, labadii bilood ee lasoo dhaafeyna waxa ay ahayd mudadii ugu badneyd ee uu ku sime noqdo guddoomiyaha.

Bisha Agoosto ee soo socota baarlamaanka waxaa u buuxsamaya sedex sano jiritaankiisa, waxaana u dhimanaanaya muddo hal sano ah, waxaana jirta in shaqooyin badan ay u yaalaan baarlamaanka kuwaasi oo muhiim u ah sidii looga gudbi lahaa hiigsiga 2016-ka oo la doonayo in dalka uu ka dhoco isbadal siyaasadeed.

Goobjoog News