U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Maanta Codka Kalsoonida U Qaadayo Ra’isulwasaare Cabdiwali

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay codka kalsoonida u qaadaan Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo laga keeney mooshin cod kala laabasho ah.

Mooshinka oo maalmahan laga doodayay ayaa waxaa saxiixey 138 xildhibaan, kuwaasi oo ay ka midyihiin wasiiro ku jira golaha wasiirada oo sidoo kale xubno ka ah baarlamaanka.

Amniga wadooyinka gala ama ka baxa baarlamaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo xalayba lasii xirey wadooyinka.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ayaa isticmaalaya wadooyin xaafadaha dhexmara.

Goobjoog News