Baarlamaanka oo Maanta Kulan Ka Yeelanaya Mooshinka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ka yeelanaya mooshinka ka dhanka ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, wuxuuna qorshaha yahay in laga doodo mooshinka maanta.

Sida uu shalay sheegey guddoomiyaha baarlamaanka, kulanka baarlamaanka maanta waxa uu kulanka soconayaa labada galinba, waxaana laga yaabaa in lagu habeensado.

Waxaa lagu wadaa in marka uu kulanka furmo la qeybiyo magacyada xildhibaanada saxiixey mooshinka, kadibna waxaa la guda galayaa ka doodistiisa, iyada oo xildhibaanada ay mid mid usoo istaagi doonaan.

Xildhibaanada intooda badan ayaa haatan ku sugan baarlamaanka , waxaana la sugayaa inta uu furmayo kulanka, guddoomiyahana soo fariisanayo.

Shalay gudoomiyaha baarlamaanka waxa uu xildhibaanada ku adkeeyey in ay soo xaadiraan maanta, islamarkaasina kuwa xanuunsan xitaa kaniinkooda ay horey usoo qaataan maadaamaa labada galinba la shaqayn doono.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW