U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Maanta Meel Mariyay Sharciga Shaqaalaha Ajaaniibta

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan maanta ay isugu yimaadeen xildhibaananada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu meel mariyay Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Ajaaniibta oo horay usoo gudbisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Kulanka xildhibaanada baarlamaanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, waxaana soo xaadirtay 146 mudane.

Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Ajaaniibta ayaa maanta maray Akhrintiisa Sedaxaad, iyadoo intaasi ka dib mudanayaasha baarlamaanka ay cod u qaadeen.

140 xildhibaan ayaa codka u qaadday sharcigaasi, waxaana aqbashay 139 xildhibaan, halka 1 xildhibaan uu diiday.

Sharcigaan maanta la meel mariyay ayaa loo gudbin doonaa Xafiiska Madaxweynaha si uu usoo saxiixo, waxaana sidoo kale lagu baahin doonaa faafinta rasmiga ah ee dowladda si sharciga uu u noqdo mid maray wado sharciyeeysan.

Goobjoog News