U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Ah Oo Soo Saaray Go’aammo Ku Aadan Murashaxiinta Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa go’aanno ka soo saaray doorashada guddoonka baarlaamaanka iyo tan madaxtooyada Soomaaliya.

Ajandaha xubnaha baarlamaanka la horkeenay ayaa waxa ugu weynaa go’aan ka qaarista lacagaha doorasho ee guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxtooyada Soomaaliya iyo waliba xulista guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa go’aamiyay in doorashada guddoonka baarlamaanka loo xulo guddi ka kooban 25 xildhibaan oo lagu qeybiyo nidaamka 4.5, halka lacagta guddoonka baarlamaanka laga dhigay $15,000 iyadoo lacagta musharraxa madaxweyne lagadhigay $30,000 oo dollar. Wakhtiga doorashada waxaa go’aamin doona guddiga loo xulayo arrimaha doorashada.

Baarlamaanka ayaa maanta lagu dhaariyay xubno 12 xildhibaan ah oo cusub iyadoo mar labaad isla maalinta barri ah loo ballamay dhameystirka u  diyaar garowga doorashada arriamaha doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxtooyada Soomaaliya.

Goobjoog News