U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay Is Casilaadii Gudoomiyahooda

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa kulan ay goor dhaw ku yeesheen magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal waxa ay codka ugu qaadeen is casilaadii gudoomiyahoodii Saciid Xasan Shire.

52 mudane ayaa kulanka soo xaadirtay, waxaana shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland Cabdi Xamiid Cabdisalaan.

Codka oo gacan taag ahaa ayaa 46 xildhibaan waxay aqbaleen is casilaadii Gudoomiye Shire.

Gudoomiyahii Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa saaka ku dhawaaqay inuu is casilay ka dib markii 42 xildhibaan ay mooshin ka keeneen, loona ballansanaa in codka kalsoonid ah loo qaado.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay mudanaha ayaa ku eedeeyay Muqusmaasuq iyo ku takrifal awoodeed.

Goobjoog News