U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Ergo Nabadeed u dirada Gobalka Karkaar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha PuntlandGudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in ay ku baxayaan dagaalo ka dhacay deegaano ka mid ah gobalka Karkaar ee maamulkaasi ka taliyo.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in wax laga xumaado ay tahay dagaal beeleed kusoo laabta gobalkaasi, islamarkaana ay ku baaqayaan in nabadda la qaato.

“Waan ka xunnahay dagaalka Karkaar, Baarlamaanka waa uu ku baxayaa, bulshada ku dhaqan gobalkaasi waxaan leenahay dagaalka joojiya, nabadda haloo istaago”

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa fariin u diray Odayaasha dhaqanka Puntland taas oo ku aadan in ay kaalintooda ka qaataan qaboojinta dagaaladaan qabiilka salka ku haya.

Deegaano ka mid ah maamulka Puntland waxaa dhawaan ka dhacay dagaalo beeleed u dhaxeeya Laba Beel oo halkaasi wada dega gaar ahaan gobalka Karkaar, waxaana dagaaladaan ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News