Baarlamaanka Puntland oo Kulan Ka Yeeshey Dhul Ka Maqan Maamulka (Dhageyso)

baarlamaanka PuntlandKalfadhiga 34-aad ee Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah fadhigooda kaga hadleen sidii looga doodi lahaa dhulka ka maqan Puntland 7-sano iyo sidii xukumadda Cabdiwali Cali Gaas ugu howlgali lahaa sidii loosoo celin lahaa dhulkaasi isaga ah.

Xildhibaadda oo qaarkood hadalko soo jeediyay ayaa ku baaqay in guddi isku dhafan la sameeyo maadama ay tahay arrin amni ayna muhiim tahay in si wadajir ah loogu howlgalo sidii dhulka maqan loosoo celin lahaa.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa doorashada ku galay inuu soo celin doono deegaanadda maqan sida Gobalka Sool magaalo madaxdiisa.

Dowladdii hore ee Cabdiraxmaan Farole ayaa ku guul daraysatay inay dib usoo celiso deegaanadda maqan iyadoona shacabka Puntland ay sugayaan dowladda Cabdiwali Cali Gaas inay dhulka maqan soo celiso.

Waa markii ugu horaysay oo ay gollaha Baarlamaanka Puntland ka doodaan dhulka iyo sida laga yeelayo.

Halkan ka dhagayso Codadka Xildhibaanadda oo dhulka maqan ka hadlaya.

Dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

43 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW