U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland oo Maanta u Codeynaya Xeerka Gudiga Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

baarlamaanka puntlandBaarlamaanka Puntland ayaa maanta u fadhiya u codeynta xeerka doorashooyinka Puntland oo isagu wax laga badalay, waxaana xeerkani uu kasoo gudbey golaha wasiiradda sanad ka hor.

Qodobada wax laga badalyo ee xeerka ku jira waxaa ka mid ah mid quseeya xil ka qaadista xubnaha gudiga iyo shuruudaha ay xilka ku weyn karaan iyo cidda xilka ka qaadi karta.

Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo ajendayaashiisa ugu muhiimsanaayeen la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowliga ah, ammaanka, miisaaniyadda sanadka 2015 iyo dhaqaalaha, wuxuu soo xirmi doonaa sagaalka bishan socota ee December.

Hawlahan uu qabanayo baarlamaanka Puntland ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili baarlamaankii Soomaaliya uu ku mashquulsanyahay muran siyaasadeed iyo mooshino madaxda xilka looga qaadayo. 

Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta u fadhiya qaadista codka kalsoonida xukuumadda Cabdiwali Sheekh Axmed, waxayna tani dhacaysaa xili baarlamaanka ay u taalo shaqo culus oo uu ka midyahay sharciga gudiga doorashooyinka, kan xuduudaha iyo federaalka, iyo waliba miisaaniyadda sanadka 2015-ka.

Goobjoog News